Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Xeer ilaaliyaha Qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay dhamaan tallaabooyinka uu qaaday Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ah xil ka qaadista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere iyo Magacabista xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada

ka Dhageyso Halkaan

C/llaahi Dahir Barre hadal qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in uusan xaq u lahayn Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya inuu wareegto wax ku magacabo iyo inuu xil ka qaado Guddoomiye Gobolk, waxaa uu sheegay Xeer ilaaliyaha Guud in Ra'iisal Wasaaraha uu xaq u leeyahay oo kaliya soo jeedin wixii magacabis ahna uu leeyahay Madaxweynaha

29-kii bishii July ayaa Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa lagu eriyay oo xilkii lagaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqii Magaalada Xamar Maxamed Dheere

30 kii Bishaas Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowladda KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu buriyay tii Ra'iisal Wasaaraha soo saaray, waxaana lagu amray wareegtadaas Maxamed Dheere inuu sii wato howshiisa Maamulka Gobolka Banaadir.

Khilaafka Labada Mas'uul ee ugu sareysa Dowladda ayaa u muuqda mid sii xumaanaya oo laga yaabo in aaqirkii khatar badan dhaliya


 

 

Allkheyraad online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net