Madaxweynaha
DFKM ah Sh Shariif Sh Axmed ayaa maanta waxa uu walaac ka muujiyey
maamul goboleedyada ee ku soo badanaaya dalka mar uu khudbad kooban ka
jeedshay xaflad loo qabtay Maamulka Galmudug oo soo afjaray khilaaf in
mudo ah ka dhex aloosnaa.



Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in ay maamul
goboleedyada ay qayb ka yihiin amaan darada iyo kala fogaanshaha
siyaasadeed wuxuuna ugu baaqay umada Soomaaliyeed in ay noqdaan kuwa
isku duuban ayna isku soo dhowaadaan.
"Waana soo dhaweynaynaa in la dhiso maamul goboleedyo, balse
waxaa looga baahan yahay inay noqdaan kuwo heshiis lagu yahay, dowladda
waa mid ku dhisan qaab Federaal ah", ayuu yiri Madaxweynaha
Soomaaliya.

Madaxweynaha DFKM ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Ahmed ayaa aad u soo
dhaweeyey heshiis ay dhowaan kala saxiixdeen labada Siyaasi ee isku
haystay xilka madaxtinimada ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Shariif
Hilowle iyo Maxamed Axmed Caalin


Shariif ayaa sheegay in ay DFKM ay qeyb weyn ku
lahayd in uu sooo dhamaado khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey
maamulka Galmudug ayana tahay waajid ka saaran DFKM in aż xaliso
khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta Soomaalida .
Madaxweyne Shariif ayaa ku baaqay Maamulka Galmudug in uu si degdeg ah u
bilaabo howlihiisa uuna taageero DFKM wuxuuna u hambalyeeyey Maxamed
Axmed Caalin oo noqday madaxweynaha Galmudug Axmed Shariif Hilowle oo u
tanaasulay.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale u mahad celiyey madaxda DFKM iyo
Axmed Shariif Hilowle oo sameeyey geesinimo markii uu u tanaasulay
dhigiisa ay isku hayeen madaxtinimada.