Xafladdaas oo si aad
u qurux badan loo soo abaabulay waxaa kasoo qayb galay dadweyne
aad u tira badan oo ay wajigoodu ka muuqatay farxad iyo kalgacayl
ay u muujiyeen Amiir Maxamud Yusuf Ciise oo dhawaanahaanba
booqasho ku marayay qaaradda N. America.

Amiir Mohamud ayaa khudbadiisa kaga hadlay
Taariikhdada Soomalida wuxuuna sheegay in umadaha kale ay qortaan
taariikhdooda laakiin Soomalida ay yihiin kuwo Taariikhdooda umada
kale ay u qoreen.
Amiir
Mohamud wuxuu tilmaamay in Soomalidu ay isku meel ka yimaadeen
isku diin yihiin, isku luqad yihiin, isku midab yihiin. Waxaa
daliil u ah oo xataa cilmiga sayniska casriga ahi uu sheegay in
markii la baaray DNA –da dad soomaaliya oo degaano kala fog-fog
degani ay isku mid noqdeen oo aysan waxba ku kala duwaneyn oo ay
isku asal ka yimaadeen.

Sidoo
kale taariikhda naloo qoray waxaa la yiraahdaa qaar badda ayey
soo mareen qaarna kor iyo cirka ayey ka yimaadaan laakiin taas waa
been waxaa u daliila ayuu dhahay Amiirku Soomalida taariikh ahaan
lama hayo Reer Reerka kale Diinta soo galiyey oo ku qasbay ama
luqadda ay lahaayeen u diiday oo mid kale ku khasbay.
Amiirka ayaa codsaday in taariikhda Soomalida la qoro lagana
fagoodo wixii Soomalida kala dilaya wada dhalashadooda.

Xafladdaas oo uu daadihinayay C/rashiid Xasan Xirsi (Bakin) ayaa
si wanaagsan warkii ugu qaybiyay ama u wadaajiyay dhammaan
odayaashi dhaqanka, aqoon yahanadi, culimaa’udiinki iyo abwaanadi
xafladdaas ka qayb qaatay.

Waxaa
ka mid ah ahaa marti sharaftii ka hadashay goobtaas kuwa soo
socda :
1.
C/raxmaan
Xaaji Nuur (Shagaxle)
2.
Cabdinaasir Cali Baalle
3.
Cabdi Xoosh Seed (Abdi
Gaab)
4.
Eng. Axmed Mohamed Sh. Hussein
5.
Daud Ali (gabyaa)
6.
Fadumo Cali Nakruuma oo
buraabur qiiro badan goobta ka jeedisay.

Ugu Danbeyn waxaa
xafladdaas qiimaha iyo qaayaha badan lagu khatimay duco iyo Alle
bari loo sameeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed in Allah ka
dulqaado dhibka haysto, midnamadoodana soo celiya ,kana dhigo
kuwii is jecel had iyo jeer. AAMIIN .

Amiir Maxamuud
Yuusuf Ciise Geelle iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin
Dr. Cabdirasaaq
Garweyne, Dr. C/qani C/llahi Khaliif iyo C/samad Cali Hashi waxay
ilaa muddo asbuuc kale ah joogi doonaan halakan haddii Allah idmo
si uu amiirku uga qayb galo kulamo khaas ah iyo casumaadyo kala
duduwan oo kasoo gaaray jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan
Canada guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolada
Puntland oo uu matalayo ama ka mid yahay isimada ka taliya.
Inshaa Allah kulamadaas uu amiirku la qaadan doono jaaliyadda si
joogta ah ayaan idiinku soo tabin doonnaa ee la socda.