(Allkheyraad)
:-Xaflad aad loo
soo agaasimay laguna Caleema Saaraya Gudoomiyaha Guddiga Jaaliyadda
Puntland ee Dalka Kenya Mudane C/rizaaq Maxamed Cabdulle ayaa Maanta ka
dhacday Magaaladda Nairobi gaar ahaana Hoolka Anduluus ee Daarta
Eastliegh Mall halkaasoo ay soo xaadireen Boqolaal Dad ah oo ruxayay
Calanka Soomaaliya iyo kan Puntland.




Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Xildhibaano ka kala socday Dowladda
KMG,iyo Puntland,Ganacsato,Aqoonyahano,Ururadda
Bulshadda,Odayaasha,Cuqaal,Haween,Dhalinyaro,Culamaa'udiin,Abwaano,Bahda
Saxaafadda iyo dhamaan bahweynta Puntland ee ku dhaqan Dalka Kenya.


Gudoomiyaha oo hadalo ka soo jeediyay Xafladda ayaa Dadweynihii goobta
ku sugnaa uga warbixiyay Wax qabadka iyo Hor Marka Lixaadka leh ee uu
doonayo inuu ku talaabsado Urur-ka Jaaliyadda Puntland ee Dalka Kenya
asagoona sheegay inay soo bandhigayaan wax qabad fiican si ay ugu
adeegaan Shacabka,Dalka iyo Dadka Reer Puntland-ba waxaana uu Codsatay
in la garab is taago si ay hor u socod u sameeyaan.
Gudoomiye C/rizaaq Cabdulle ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay doonayaan
in Mustaqbalka dhow u qabtaan Bulsha Weynta Puntland ee ku nool Dalka
Kenya waxaana uu sheegay inay ka caawin doonaan Waxyaabaha Baahidoodu
baddantahay ee hoos ku xusan.
1- Waxbarashadda
2- Sharciga
3- Caafimaadka
4- Shaqo Abuuris
5- Isku Xirka Bulshadda Reer Puntland Ee Kenya.
6-Wacyi Galin
7- Iyo Waxkasta oo Muwaadin Reer Puntland ahi u Baahanyahay.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay Arrimahaas oo dhan ay kala kaashan Doonaan:-
1- Hay'addaha UNHCR iyo UNDP kuwaasoo ay xiriiro la sameeyeen.
2- Jaaliyadda Dalka Japan ee Kenya
3- Jaaliyadda Reer Puntland ee Canada
3- Iyo u qaabilsanaha Xafiiska Jaamacadda Carabta Dhalinta Carabta ee
Africa Cisi Diin Cabdi Jaliin Cabdul Xaq.
Ganacsatadii Aqoonyahanaddi iyo Xildhibaanaddi ka soo qayb galay
Xafladda ayaa dhamaan ku dhawaaqayn inay taageerayaan Jaaliyadda Cusub
ayadoona intii Gudoomiyuhu Xafladda wada Boqolaal Dad ah Gudoonsiinayeen
Ubax ay qoorta u surayeen.
Waxaa sidoo kale goobta hadalo ka soo jeediyay Gudoomiye ku Xigeenka
Gudiga Jaaliyadda Puntland ee Kenya Mudane Suleiman Bashiir Ceegaag ayaa
Shacabka ugu baaqay inay noqdaan Dad Midaysan sida Ul iyo Diirkeed.
Waxaa sidoo kale Xafladda soo Xaadiray oo hadalo ka soo jeediyay
Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG oo ay ka mid ahaayeen.
* Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdala
* Xildhibaan Daahir Ciiro
* Xildhibaan san Dheere iyo Xildhibaano kale oo aanan Magacooda soo
koobi karin.
Xafladda oo aheyd mid aad loo soo agaasimay ayaa sidoo kale dhinaca
Siyaasiyiinta waxaa ka hadlay Ilyaas Barre Shiil oo ahaa Xildhibaan
horey uga ti sanaan jiray Baarlamaanka Kenya kaasoo laga soo doortay
Gobalka Waqooyi Bari ee Kenya.
Gunaanadkii Bulshadda Reer Puntland ee ku dhaqan Dalka Kenya ayaa aad
ugu wada farxay inay markii ugu horeysay Gudoomiye Jaaliyadda doortaan
ayagoona haatan u arka inuu waa Cusub u baryay.

Allkheyraad
online
Ku Laabo |