Home

   

Kontakt

        
             



 

 (Allkheyraad) :-Ciidamada  dalka Kenya oo isugu jiray kuwa Boolis iyo kuwa Melatariga ayaa axaa la sheegay in Ciidamadu ay wateen gawaarida Qafilan ayaa howlgalo ay xalay ka sameeyeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxa ay ku soo qabqabteen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

 

8:00 Fiidnimo ee xalay ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa ka bilowday howlgalo aad u xoogan kuwaasi oo ay sameenayeen Ciidamada amaanka ee dalka Kenya.

 

Ciidamada ayaa la sheegay in xalay dad aad u faro badan ay ka qabqabteen xaafada Soomaalida ay u badantahay ee la yiraahdo Islii iyadoona dadka Ciidamada ay qabqabteen ay kamid ahaayeen Mudaneyaal  katirsan Mudanayaasha Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya iyo saraakiil caan ka ah dalkeena ee ku sugnaa magaalada Nairobi islamarkaana degen qaar kamid ah Hoteelada ku yaala magaalada Nairobi.

 

Qaar ka mid ah xildhibaanada la xiray ayaa waxa ay qabaan in falkaan ay isla ogyahiin madaxda somaliyeed iyo kuwa dalkan kenya kulamadii ugu danbeeyay ayaa dowlada kenya la hordhigay qorshe ah sidii xildhibaanada dib loogu soo celin lahaa sidaa darteed ayey dowlada kenya ku bilowday falkaan ay ku cadaadinayso xildhibaano badan kuna baneysanayso xoolaha shacabka hantida ku leh dalkeeda.


Goobihii xalay baaritaanada xoogan ay Ciidamadu ay ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ahaa hotelka Barakaat oo ay degenyihiin Mudanayaal katirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

 

 

Allkheyraad online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top History

Ku Naso abwaan jama kadiye

Akana Album

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net