|
(Allkheyraad)
:-Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afworki oo
martigeliyay mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay
Qaramada Midoobay inay doonayso in ay kala qeybiso Maxkamadaha Islaamiga
iyo kooxaha kale ee mucaaradka, iyadoo sababta shirkan ka socda Jabuuti
u qabatayna ujeedada laga leeyahay ay saas tahay.
Isagoo ku hadlayay xarunta
waddankiisa ee Asmara ayuu ku canaantay Qaramada Midoobay in ujeedada
weyn ay ka leedahay shirkan ka socda Jabuuti ay tahay sidii ay u wiiqi
lahayd awoodaha kooxaha mucaaradka ee dagalka kula jira Itoobiyanka
qabsaday dalka.
Isaias Afworki Madaxweynaha
Ereteriya waxaa uu yiri,ma garanayo sababta Qaramada Midoobay sidaas u
yeelayso, waxayse ila tahay in cadaadis ka yimid Mareykanka tahay.
Mareykanka Ereteriya waxaa uu
ku eedeeyay inay magangeliso Argagixisada Geeska afrika, hase ahaate
warkaas waxaa si xoogan u beenisay Dowladda Asmara.
“Kooxaha
Kacdoonka ka wada Soomaaliya dhaqdhaqaaqa ay wadaan waxaa taageersan
shacabka Soomaaliyed, waana xaq in la taageero dadaalka loogu jiro in
dalka laga saaro Ciidamada cadawga ee xooga ku qabsaday dalka ee
Itoobiya”ayuu yiri Madaxweynaha Ereteriya
Hadalka Madaxweynaha Ereteriya
ayaa ku soo aaday xilli Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ka socdaan
wada hadalo ay leeyihiin Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, in kastoo
mucaaradka Dowladda Federaalka ayaa haddana ku kala qeybsan shirkaas
madaxey :-weriyaha
Ku Laabo |