(Allkheyraad)
:-Magaalada Jabuuti ee dalkaasi Djabuuti
waxaa ka furmay shalay Shir wada Tashia ah oo ay isugu Yimaadeen
Garabyada isku Haya Siyaasada dalka Soomaliya oo ay ugu Waynyihiin
Xubnaha labaxay dib u Xoraynta Soomaliya iyo Dowlada kumeel gaarka ah ee
Soomaaliya.
Shirkan oo Maalintii shalay ahayd la is
horfariistay ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ah oo iyana fadhiyey
Golaha Xubno ka socda Beesha Caalamka oo ay ka mid ahaayeen Wafdi ka
socday Jumciyada Quruumaha ka dhexeysa iyo kuwo ka socday Ururka
Islaamka.
Shirkan ayaa ku furmay jawi degen iyadoo
isbarasho ka dib la gudo galay wada hadalo goos goos ah oo la is
dhaafsanayey Xubnaha ka qayb gelaya shirkan ayaan ahayn kuwo isku Cusub
iyagoo horay dhowr shir oo Noocaan oo kale ah isugu Yimid meelo ka
baxsay dalka Soomaliya

oo looga wada hadlayey arimo quseeya Dalka
Soomaliya.
Shirkan oo ah mid Gobol Xaar ah ayaan
Maalintii shalay ahayd si cad looga wada hadlin Hadafkii la isugu yimid
isagoo ahaa shalay mid aad moodo in la isku Baranayey Maadaama ay ka
qayb geleyaan shirkaasi Xubno Caalami ah oo kasocda Beesha Caalamka.
Wafdiga golaha asmara ayaa waxaa hogaaminaya C/raxmaan C/shakuur Warsame
oo amiir u ah Xubnahan shirka ka qayb geleya inta uu shirkaasi socdo
dhinaca dowlada ayaa isna waxaa horkacaya oo af hayeen u ah ergada
dowlada soomaliya wasiirka Dib u heshiisiinta DFKM C/risaaq ashkir oo
sheegay mar uu ka hadlayey kulankii shalayto in shirkan Xal waara laga
gaari doono ilaahayd idankiis.
dhanka kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka
Puntland Maxmuud Muuse Xirsi Gen.Cadde ayaa Maanta kusoo Fool leh
Magaalada Jabuuti ee Dalka Djabuuti.
Imaanshaha Madaxweyne ayaa kusoo Beegmaya Xili dalka Jabuuti ay
kasocdaan wada Hadalo dhexmaraya dhinacyada Soomaalida ee isku Haya
siyaasada dalka.
lama oga in uu Madaxweynaha Puntland lagu Casuumay shirka Jabuuti in iyo
inkale walow ay wararka Qaarkood sheegayaan in uu Madaxweyne Cadde Muuse
usoo Gudbi doono Dowlad Goboleedka Gaar ahaan Magaalada Boosaso oo Xarun
dhaqaale u ah Puntland.
madaxey :-weriyaha
Ku Laabo |