Home

   

Kontakt

        
             



 

 (Allkheyraad) :-Kooxda kubadda koleyga ee Minnesota ayaa iyadu ku guulaysatay koobkii kubadda koleyga toddobaadka Soomaalida ee Toronto,  ka dib markii cayaarteeda kama dambaysta  ahayd (Final) ay si xarago badan uga adkaadeen kooxda Lawrence heights  oo ka mid ahayd kooxihii ugu ciyaarta waaagsanaa tartanlkaasi.

Waxaana kooxda Minnesota ay ku adkaadeen 64 dhibcood, halka kooxda Laewrence heights ay ka keensadeen 57 dhibcood.

Duran Faran oo Koobkii kaalinta 1aad guddoonsiinaya Kabtanka kooxda Minnesota

Cayaarahaasi oo iyagu si xamaasad badan uga socday magaalada Toronto muddadii u dhaxaysay July 2nd ilaa July 9th 2010, ayaa waxaa ku tartamayay kooxaha Toronto,  iyo Minnesota. waxaana gabi ahaanba kooxahaasi ay soo bandhigeen cayaaro farsamadeedu aad u heer sarreysay, aadna u soo jiidatay daawadayaashii faraha badnaa ee galab kastaaba soo camiri jiray garoonka.

Munaasabaddii xiritaanka ee tartanka ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Mudane Duran Faarax iyo marti sharaf aad u faro badnayd oo isugu jiray macallimiin,iyo ciyaartooy kuwaasi oo  ka kala yimid daafaha dunida ha noqdeen Europe, Carabta,iyo North Amerika.

Ugyu horreyntii waxaa halkaasi warbixin ka soo jeediyay  Guddoomiyihii guddiga qabanqaabada ee tartanka  Mudane Saciid Faarax oo isagu ka mid ahaa halgamayaashii kubadda koleyga, waxaana uu ka  warbixiyay qaabkii uu tartankani ku soo billowday, iyo juhdiga faraha badan  ee la galiyay. Waxaana guddoomiyuhu uu ammmaan ballaaran u soo jeediyay  dadkii  la  soo shaqeeyay ee waqtigooda galiyay, marti sharaftii barnaamijkani lagu casuumay ee meelaha fogfog ka yimid sida: UK.Qatar, North Amerika iyo dhammaanba kooxihii tartanka ka soo qaybgalay.


Guddoomiye ku xigeenka  guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Mudane Duran Faarax oo isagu munaasabaddii xiritaanka soo gabagabeeyay ayaa ugu horreyntii u mahad celiyay dadkii barnaamijkani quruxda badnaa isku soo dubariday. Guddoomiyaha ayaa si qoto dheer uga warramay  waxqabadkii guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo  hawlaha baaxadda wayn ee  uu soo qabtay iyo kuwa haatan horyaala.

Bahda K/koleyga ayuu guddoomiyuhu ku baraarujiyay in ay ku dadaalaan soo saaridda jiil cusub oo mustaqbalka  meelo sare gaarsiiya magaca ummadda Soomaaliyeed, waxaana guddoomiyuhu uu aad u ammaanay farsamadii cayaareed oo ay muujiyeen kooxihii halkaasi ku hardamayay.
Munaasabaddii xiritaanka waxaa halkaasi lagu daawaday filim uu soo bandhigay cayaaryahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yaasiin Jaamac oo u ciyaara xulka  kubadda koleyga dalkaasi  Qatar kaasoo aad ay u jeclaysteen dhammaanba dadkii faraha badnaa ee ka soo qaybgalay.

Yaasiin Jaamac oo isagu hadal gaaban (Presentation) halkaasi ka soo jeediyay  ayaa caruurta Soomaaliyeed  ee halkaasi ku tartamaysay ku ammaanay  aqoonta iyo xirfadda sarreysay oo ay soo bandhigeen. waxaana  uu u soo jeediyay  in ay ku dadaalaan waxbarashadooda , Allana ay ku xirnaadaan oo aysan ku dayan (Role Models) ka dhigan kuwa qaabka xun ku socda. 

Bidix: Macallin Buruno, Macallin Cabdi Dheere,Shiikha, Bashi Dheere iyo Macallin Maxamed Faarax

Fiiro Gaar Ah: Muddadii Toronto ay cayaaraha ka socdeen waxaa isagu garab socday shirar joogto ahaa oo ay wada yeelanayeen Bahda K/Koleyga ee North Amerika, waxaana lagu ballamay in la dhiso dalad kulmisa bahda kubadda koleyga ee North Amerika, kaasi oo noqon doona mid si aad ah looga baaraan daga.


Bahdii K/koleyga Barisamaadkii
Bidix:Faarax Oday,Axmed Tuke,Cismaan Uuseey,Macallin Cabdi dheere,Baashi dheere,Daa'uud,Madaxey iyo Ciise Jaamac.
Bidix:Maxamed Faarax,Shiikh qalaafe,Axmadey B iyo Shiikha

W/D Shiikha













 

 

Allkheyraad online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top History

Ku Naso abwaan jama kadiye

Akana Album

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net