|
(Allkheyraad)
:- Dowladda Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in Maalinta isniinta 1-09-2008 ay tahay Malinta 1aad ee Bisha barakaysan ee Ramadaan.
Bayaan uu soo saaray Golaha Qadaha ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay:
" ayadoon la arag Bishii ramadaan Daraadeed Malinta Bari ah(axadda) waxaa la dhamaystiraya Sodonkii Shacbaan Maalinta isniinta ee ku beegan 1-09-2008 ayaa ah Maalinta 1aad
Bisha barakaysan ee Ramadan."
Waxa ku raacay wadamada kala ah:
Masar,Imaaraadka carabta,Qadar,Yeman iyo soomaaliyaba
Alle haynaga aqbalo soonka aan soomanahay hana inagu gaadhsiiyo soonkan kiisa kale caafimadqab iyo cimri dheer iyo cibaado suuban
Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn ee maamulka puntland ayaa waxaa xiran dhamaanba goobaha laga cunteeyo xiliyada maalintii waxaana taasi ay ku tusineysaa in
maanta ay tahay maalintii ugu horeysay soon qaadka oo wax kala tafaraaruqa ahna aaney jirin hadii ay jiraana aanay muuqan.
Dhanka kale maamulka iyo shaqaalaha shabakda Allkheyraad.com ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan umadaha Islaamka gaar ahaana umada Soomaaliyeed bilashada bisha Barakeysan ee
Ramadaan kareem waxaana u rajeeyay umada Soomaaliyeed in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan horumar,barwaaqo iyo nabad waarta Aamiin Yaa rabi
kala soco daruusta rabadaanka iyo heesaha anfurka bisha rabadaan
Allkheyraad
online
Ku Laabo
|
|
Copyright © 2006-07
Allkheyradka--design:- Bashka |
|
|