Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Shirkii labaad ee jaaliyadda qurba joogta deegaanka Boocame ayaa ka furmay 08/30/08.shirkaasoo soconayay labo cisho ayaa waxaa uu dhamaaday habeenimadii 09/01/08.  

shirkan oo ahaa shir sanadeedlihii caadiga ahaa ee ay beeshuyeelan jirtay  sanad walba xiligan oo kale ayaa waxaa lagaga wada hadlay arimaha waxbarashada iyo danaha beesha,horumarka Deegaanka &arimo badan oo muhiim ah.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudiyo  Goboleedyada iyo masuuliyiin sar sare ,indheergarad  Aqoonyahano,iyo Dhamaan qaybaha bulshada ku waasoo ka kala yimi Gobolada Maraykanka iyo Canada.

Shirkan oo lagaga hadlay arimo badan ayaa waxaa laga bixiyey warbiximo ku saabsan warbarashada iyo horumarka deegaanka.

Waxaa  kaloo uu ku soo beegmay xilli shalay magaalada Boocame looga sameeyey Xafladweyn oo dhamaanba dadkii shirka fadhiyey , qurba joogta degmamada boocame iyo deegaanada SSC Puntland farxad galisay.

Waxaa kaloo lagu falan qeeyey arimaha ammaanka Deegaanka iyo midnimda Beesha iyadoo sidoo kale ay soo qaadeen ka qayb galayaashii shirku arimaha siyaasadda iyo halka ay ka taaganyihiin maamulka Hargeysa.

Waxaa kaloo ka marnayn dhaliilo badan oo loo soo jeediyey  maamulka puntland taasoo laga warbixiyey sida ay u dayaceen deegaanada sscda waxka qabasha la -aanta xagga horumarka iyo nabadgelyadaba iyagoo ay ku adkeysteen beeshu inta laga helayo Dawlada soommaaliyeed in loo soo jeensado sidii ay qurba joogtu uga qayb qaadan lahayd horumarka degmada iyo Nabada gelyadaba ayna iska saari lahaayeen xil weyn*
SAWIRKII OO MUUQAALKIISA WEYN YAHAY RIIX HALKAAN
 












 











 

Allkheyraad online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net