Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Waxaa Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi soo gaaray Wafdi balaaran oo ka tirsan Isbahaysiga Dib-uxoreynta Somaaliya garabka Jabuuti, Wafdigaan oo kasoo Dagaya Garoonka Caalamigaa ee Joma Kenyatta Internaitonal Air-Port ayaa waxaa hogaa minaya Gudomiyaha isbaheysiga Sheekh Shariif Sh iyo Axmed. Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee isbaheysiga Shariif Xasan Sh Adan.
 
Wafdigaan ayaa Markii Ay Garoonka Diyaaradaha Soo gareen waxaa loo sii gudbiyey Hotelkii ay ku dagai lahaayeen oo horay ugu sii qorshaysnaa oo ah Hotel safari Park oo ka mid ah Hotelada ugu qaalisan Hotelada Nairobi ku yaala, Hotelkaan ayaa habeen kii kaliya lagu sexdaa Lacag aad u Qaali ah.
 
Wafdigaan Labada Shariif Hor kacayaan ee Mucaaradka ka tirsan ayaa markii ay Hotelka garaan waxa ay durba Qabteen Shir Jaraaid oo Daqiiqado kooban Socday, Saxaafaduna ay goob joog u ahayd walow Saxaafada joogtay ay ubadnayd Saxaafada Somaalida oo ay Tan caalamku aad uyareyd.
 
Shirka Jaraaid  waxaa ku hor maray Shariif hasan Sheikh Aadan isaaq oo hadalka bilaabay ayaa waxa uu sheegay in ay nabada ayagu raadinayaan oo aynan kaligodna nabada qaban Karin balse looga baahan yahay dadka Somaalida ah sidi ay xal ku heli lahaayeen, gacmahana isku qabsan lahaayeen ayago isku araktid, iskuna dan ah inkastoo uu sheegay in dadka soomaaliyeed maanta ay og yihiin waxii ay Somaaliya so martay.

Intaas kadib ayadoo uu waqtigu aad ugaabnaa ayaa waxaa halkaas asna ka jeediyay hadalo kooban Gudoomiyaha isbaheysiga dib uxoreynta Somaaliya Sh. Shariif Sh. Axamed Asagoona mahad celin kadib yiri sidatan: “waad lasocotiin shacabka soomaaliyeed xalada adag ey ku jiraan, dadkii waxey noqden mid qaxay , mid gaajo udhinay iyo mid amin daro ay ku haysato meeshisa, intaas oo dhibato ahba soomaliya bey ka jiraan hadii anan anagu nabadii raadinin anigu ma garanaayo cid raadineyso nabada soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu Sh. Shariif codsi udiray dadka Somaaliyeed waxa uuna yiri  “waxey ila tahay masuuliyada dhamaanteen nasaaran in ay tahay sidii nabad loo raadin lahaa dadkana gargaar loogu sameyn lahaa, iyo in dalkii uu xornoqdo waligena waa tii aan ku taameynay waxaan isleeyahay meel wax laga qabto ayey taagan tahay manta xaalada wadanka Somaaliya, waxaan ka codsanayaa shacabka Somaaliyeed iney ugargaaraan dadka dhibaatadsan ee walaalahood ah.

Sidoo kale waxa uu shegay Sheekhu in uu jiri dono gudi heer qaran ah oo kashaqeyn doono arimaha gargaarka waxa uuna ku booriyay dadka Somaaliyeed in ay ayagu is ku gargaaran asagoona tilmaamay, in gargaarkoodu uu dhaqso ugu tagi karo dadka uu dhibku haysto, balse Gargaarka Caalamku uu soo daahayo, Ugu Dambayntii Shiikha ayaa Guud ahaan Shacabka Somaaliyeed ugu baaqay in ay Nabada ka shaqeyaa isla markaasna ay is ku gar garaan ayagoona caalam iyo cidkale toona is ku halay nayn.
 

Allkheyraad online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net