(Allkheyraad)
:-Dagaal aad u kuluul oo la isu adeegsaday hubka nocdiiyasa kala duwan ayaa saaka ka dhacay qeybo kamid ah
Magaalada Moqdisho, ayadoo Bishii barakeysaneeyd ee Ramaadan ay gasahy maanta maalintii sadexaad ayaa waxaa wali kaasi holcaaya Caasimada Somaliae ee Magaalada Moqdisho
Dagaalo micno daro ah, ayadoo ay ku dagaalamayaan Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Ethiopia oo isku dhinac ah iyo kooxaha Kaso herjeeda labadasi Ciidan.
Waxaa lagusoo waramayaa in Dagaalkan u qarxay waxyar kadib markii nin iyo geed lakala garatay oo waagu soo
barayay,waxaana lasheegayaa in sida caadiga ah weeraro qorsheeysan lagusoo qaaday Ciidamadii Difaaca uga jiray Wardhiigleey iyo xamar jab jab oo ku dhaw Madaxtooyada
Qaranka ee Villa Somalia,waxaana sidoo kale dhowr hoobiye lagu tuuray isla aga gaarka Madaxtooyada.
Dagaaladii ayaa markii danbe iskood isaga qaboobay, waxaana gaba gabadii la isku garaacay Madaafiic
ay isu adeeg sanayeen dhinacyada ishaya, lamsoo sheegin ilaa iyo hada khasaaraha kala gaaray dhimacdii u dagaalku dhexmaraya marka laga reebo sheegashada ay labada
dhinacba kala sheeganayaan guulo. dhinac kale Dagaalka ayaa waxaa si aad ah la islugu aadegsaday madaafiicda iyo hoobiyeyaal, waxaana
lasheegayaa in ay ku kala dhaceen Suuqa Bakaaraha iyo Madaxtooyada,waxaana lasheegayaa in dad farabadan oo kusugnaa suuqasi u khasaaro kasoo gaaray Madaafic
kusoo dhacday suuqa.balse lamahaya ilaa iyo hada tiro sax ah.
Dadka Muqdisho ayaa noqday kuwo waaya aragnimo ka qaaday Dagaalada, taasoo ay kuu sheegayaan in Dagaaladu yihiin kuwo saacado ah, isla markaana goobahooda si Kmg ah
ugu barakaca, hase ahaatee markuu dagaalku istaago dib ugu soo laabta guryahooda Allkheyraad
online
Ku Laabo
 |