(Allkheyraad)
:-Madaxweynha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada ay iminka Kismaayo ku sugan tahay iyo
sida uu u arko Ciidamada qabsaday iyo weliba waxa ay Dawlada ahaan ka yeelayaan.Madaxweyne Yuusuf waxaa uu sheegay in ay Meel ka mid
ah dalka Soomaaliya aan xoog lagu heysan karin isagoo ula jeeda magaalada Kismaayo waxaana uu Dadka reer Kismaayo ugu baaqay in ay nabada Soomaaliya ku dadaalaan.
Madaxweynuhu waxaa kale oo uu ka hadlay Ciidamada Kismaayo qabsaday iyo cida ay ka qabsadeen waxaana uu sheegay in Kismaayo aysan horay
u joogin wax ka mid ah Ciidamada Dawlada tan iyo markii dagaal halkaa looga saaray, wuxuuna sidoo kale cadeeyay in haatan kuwa qabsadayna aysan Dawladiisu wax gacan
saar ah la laheyn xiriirna aanu kala dhexeyn. Inkastoo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf sheegay in aysan raacsaneyn Ciidamada
Kismaayo qabsaday ayaa hadana waxaa hadalkiisa laga dhadhansan karaa in uusan sidoo kalena horay u taageersaneyn kuwii laga qabsaday, balse waxaa uu ugu dameyntii ku
baaqay Madaxweynuhu in dagaalka la joojiyo nabadana laga shaqeeyo. Hadalkan Madaxweynaha ee ku aadan Kismaayo ayaa waxaa uu ku
soo aadayaa xilli magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Gobolka Jubada Hoose ay gacanta ugu jiraan xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda Itoobiyaanka doonaya in ay
dalka qabsadaan.
Allkheyraad
online
Ku Laabo
 |