Wasiirka Dib u heshiisiinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/risaaq Ashkir
Cabdi oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shirkiisa jaraa’id waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah sida arrimaha dib u heshiisiinta, baaq uu u jeedinayo
Beesha Caalamka oo ah in gargaar lala soo gaaro dadka tabaaleysan iyo xaaladda Guud ee Magaalada Kismaayo.
C/risaaq Ashkir ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Kismaayo si qalad ah weerar loogu qaaday isla mar ahaantaasi
aanu halkaasi joogin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya isla markaasina aan la ogeyn cidda qabsatay iyo cidda loo qabanayo wuxuuna sheegay in dowladda KMG ah ee
Soomaaliya ay gacanta ku dhigeyso magaalada Kismaayo isla mar ahaantaana maamul adag ay dowladda halkaasi ka sameyn doonto.
Sidoo kale Wasiirka Dib u heshiisiinta waxa uu si kulul u cambaareeyay falkaasi lagula wareegay Magaalada
Kismaayo isagoo sheegay in haddi la tegayo Magaalada Kismaayo iyadoo aan sacbooley la aheyn aan la tagi doonin cidkastana lala kaashanayo sidii Magaaladaasi loogala
wareegi lahaa xoogaga gacanta ku haya.
C/risaaq Ashkir ayaa waxa uu sheegay in duullaanka lagu qaaday Magaalada Kismaayo ay waxweyn u dhimeyso arrimaha
dib u heshiisiinta isagoona ugu baaqay Kooxaha kale ee aan kujirin kuwa lagula heshiiyay Jabuuti in iyaguna ay dhankooda kaga soo biiraan.
Dhinaca kale Wasiirka Dib u heshiisiinta Dowladda
Federaalka C/risaaq Ashkir ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ay ka codsadeen in Xafiiska laga furay Wadanka Jabuuti oo loogu talagalay si dowladaha Islaamka ay
mucaawino u soo gaarsiiyaan xafiiskaasi Jabuuti laga furay isla markaana Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Dowladda Federaalka ay u wada gaarsiiyaan dadka tabaaleysan