Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Maraakiib Ganacsi iyo Doonyo oo wada badeecooyin kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in xalay saqdii dhexe ay kusoo xirteen Dekadda Caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo gobalka Jubbada Hoose.

wararka nagasoo gaarayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegayo in Gudaha Magaalada iyo Dekadda ay ka bilaawdeen Daabulaad Maraakiibta Raashinka iyo Badeecadaha ay wadaan looga daabulayo.

Maraakiibtan kusoo xirtay Kismaayo ayaa uraran Ganacsata kasoo jeedo Magaalada Kismaayo, Weriyaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in Ganacsatada aan laga qaadin wax Canshuur ah maadaama aysan Magaaladu lahayn wax Maamul ah oo Lacago Cabshuur ah ka qaado.

Kooxaha Islaamiyiinta ee qabsaday Kismaayo ayaa la sheegay in ay siweyn u adkeeyeen Amaanka Kismaayo, waa markii ugu horaysay oo ay Maraakiib Ganacsi kusoo xirato Kismaayo tan iyo markii ay Kooxaha Al Shabaab iyo Maxkamadaha Islaamku ay Magaalada la wareegeen

Allkheyraad online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net