Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-War saxaafadeed uu Musharax Nuradiin uu kaga hadlay soo dhaweynta bisha barakaysan ee rabadaan kareem, waxuuna ku bilaabay :-

Bismillaahi Alraxmaani Alraxiim

Asalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuh

 Waxaan jeclahay inaan hambalyo ku aadan dhalshada bisha barakeysan ee Ramadaan halkaan uga diro guud ahaan dadka muslimiinta ah iyo dadka Soomaaliyeed  gaar ahaanna walaalaha reer Puntland. Hambalyo dabadeed, waxaan Ilaahey ka baryayaa in aynu noqonno kuwii waajibaadka Alle saarey siduu yahay u guta.

Waxaa la inooka baahan yahay in aynu isu naxariisanno oo keena baahan quudinno, oo kan socdaalka ahna martigelinno.

Sidoo kale waxaa inala gudboon  in aynu bisha barakeysan ka faa’iideysanno oo Allaha awooda leh weydiisanno dembidhaaf iyo inuu inaka saaro oo inaka dulqaado dhibaatooyinka faraha badan ee ina haysta sida: colaada, abaarta, caddaalad la’aanta, maamul xumada iyo sicir bararkaba.

 

Waana inaan ku dadaaalo iskana xilsaarno ammaanka, xasiloonida iyo midnimada bahweynta reer Puntland taas oo gogoldhig u ah midnimada iyo iskuduubnida dadka iyo dalka Soomaaliyeed.  

 Waad mahadsan tihiin.  Ramadaan Kariim
Waa flimkii musharax nuuradiin ee daawasho wanaagsan

 

Nuuradiin Aadan Diiriye

Murashaxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

 

Allkheyraad online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net