(Allkheyraad)
:-Maalmahanba waxaa gebo gebo ku jirey ceelkii laga qodayey magaalada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag isla
markaana baahi weyn ay magaalada Hadaaftimo u qabtey ceelkan isla markaana soo afjarmay 31/08/2008 oo si toos ah tajaabadii looga qaaday ceelkuna uu yahay mid leh biyo
macaan.
Hadaba shaley oo axad aheyd bishuna ku beegneyd 31/08/2008 ayaa waxaa la istaadhay ceelka 12:31 duhurnimo taas
oo taijaabadu loogu talo galay ay noqonayso inuu istaadhnaado 24 saac xiligaa la istaadhay xiligiisa kaas oo guul ku dhamaaday ceelka sidii biyaha lagu istaadhayna
aanay marnaba ka damin ama is dhimin ama go,in waxaa la oran karaa waa guul weyn oo usoo hoyatay magaalda hadaaftimo iyo magaalooyinka ku dhowba.
HALKAAN KA DAAWO MADAXWEYNU KU XIGEENKA
PUNTLAND IYO WASIIRO UU BIINDHE KA MID YAHAY OO BALAN QAADAYA INEY CEELAL KA QODAYAAN GOOBO BADAN OO SSCAYN KA MID AH
UGUNA HOREEYA CEELKA BUURAWADAL MAXAA HELAY??
 |
Ceelkii oo biyihii u horeeyey soo fatahay |
Mar aan wax ka waydiinay ceelka maamulaha riiga oo ku sugnaa goobta Mr Jaamac Cali Jibriil (shaac tuur) wuxuu noo sheegay in illaahay mahadaa
leeyahay wuxuu kaloo ku daray in shaqada ay ka weyn tahay sumcada iyo wax qabadka dadka iyo dalka, ceelkan anagoo xil iska saaray magaalada markii naloo sheegay in
aan nahay riigii afraad ee yimaada dedaal dheeraada waxaanu saaray seerfeygayaga ay tahay inaan meel naloo calaamadin ee wax aan hubno oo ku kalsoonahay aan qabano
sidaa darteedna waxaan seerfay gareenay magaladana anaga ahaan sadex jeer oo aan isgasoo daba noqonay illaahay xamdigiis goobtan bay noqotay meeshii oo guul ku
dhamaatay.
.JPG) |
Maamulaha riiga Mr Jaamac (Shaac Tuur) |
Waxan isna la kulmay Cali Cabdi Saalax ( cali badwi) oo ahaa injineerada ceelka gacantooda ku qodayey isna wuxuu ii sheegay in uu aad ugu
faraxsan yahay guushan la gaadhay wax illaahay looga xamdi naqona ay tahay.
 |
Eng Cali Badwi |
Dhamaan waxaa aad u wada faraxsanaa oo isu hamablyeynay shaqaalhii ceelka iyo dadkii yimi goobta tijaabada iyadoo saacado kadibna ay is
dhaafayeen booyadaha kuwaas oo qaybahood ay miyiga u qaaden biyaha qaybina magaalada ku dal daleysay.
 |
muuqaalka guud ee ceelka iyo dadka oo sidii biyihi sam samka ahaa dha dhaminaya |
Waxaa kaloo aad loogu mahad celinayaa hay'adii mashruucan fulisay Al Manhal gaar ahaan gabdhii ceelkan bixisay
lacagtiisa Ms Umul fahad
Allkheyraad
online
Ku Laabo
 |