(Allkheyraad)
:-Kulan ay xalay isugu yimaadeen Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobaya ayna uga hadlayeen xaalada Guud ee soomaaliya ayaa waxaa ay kaga
hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu weyneyd Heshiiskii Madaxda DFKm iyo Dagaalada weli ka socda wadanka.Golaha Amaanku waxaa uu
kulankaas ku sheegay in ay meela badan oo ka tirsan Dalka Soomaaliya aysan Dawlada ku meel gaarka ahi maamulin oo aysan gacanteeda ku jirin.
Kulankaas xalay ayaa waxaa kalo talooyin ku aadan sidii looga baaraan degi lahaa ciidamo ka socda Qaramada ee la geeyo Soomaaliya ka soo
jeediyay Gudi ka socda Dawlada Ingiriiska balse Golaha Amaanku kulankan kii ka horeeyay ay arintaas ugu xilsaareen. Golaha
Amaanka ayaa waxaa ay soo dhoweeyeen heshiiskii ay madaxda DFKM ahi ku gareen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo ay Xukuumada Itoobiya ka odayeeneeysay.
Dhinaca Nabada iyo Dib U Heshiisiinta mar ay ka hadlayeen ayaa waxaa Goluhu sheegay in ay haboon tahay in nabada ay taageeraan dadka weli
dagaalada ka wada gudaha Soomaaliya. Gunaanadki kulanka ayaa waxaa Golaha Amaanku isku raacay in ay kulan kale isugu yimaadaan
si looga arinsado ciidamo Qaramada Midoobay ka socda ee Soomaaliya la geeyo iyo weliba dadka iyo dawladaha diidan nabada Soomaalida.
allkheyraad
online
Ku Laabo
 |