Home

   

Kontakt

(Allkheyraad) :-Xildhibaan Barre Hiiraale oo dhawaan dagaal looga saaray magaalada Kismaayo ayaa dhaqdhaqaaq ciidan waxa uu ka wadaa qeybo kamid ah gobolka Gedo.

Degmada Baled xaawo ayaa wararka laga helayo waxa ay sheegayaan in Barre Hiiraale uu ka wado kulamo gaar gaar ah oo uu Odayaasha iyo maamulka degmadaas kaga dalbanayo in la siiyo maleeshiiyaad fara badan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa ku waramaya in Barre Hiiraale uu helay balan qaad ah in la siin doono maleeshiyaad fara badan, iyadoo wararku ay sheegayaan in uu Barre la xiriiray saraakii Itoobiyaan ah oo ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay inay Barre Hiiraale u balan qaadeen inay taageero siin doonaan si uu mar kale gacanta ugu dhigo magaalada dekadda leh ee Kismaayo.

Maleeshiyaad fara badan ayaa la sheegay inuu uruurinayo Barre Hiiraale, iyadoo warar hoose ay sheegayaan in maamulka gobolk Gedo ay Barre Hiiraale ku taageerayaan sidii uu mar kale ula wareegi lahaa magaalada Kismaayo.

Labo isbuuc kahor ayaa Barre Hiiraale iyo maleeshiyaad uu wato waxaa dagaal looga saaray magaalada dekadda ah ee Kismayo, iyadoo dagaalkaas uu dhaliyey khasaare fara badan ii dhimasho iyo dhaawacba leh

Allkheyraad online
Ku Laabo

Copyright © 2006-07 Allkheyradka--design:- Bashka

Top 10 songs

Waraysi Xiiso Badan

Aniga Waa La Igu Gumaystay Dhageyso
 

Somali links

Boocame
Calanka
Kismayo post
jirac.com
abaaqaroow
Somaliweyn
Horseednet
jidbaale
shabelle.net